Dowladda Taiwan waxay furtay codsiyada MOFA Taiwan Fellowship 2026, taas oo ah fursad cilmi-baaris oo caalami ah oo ay bixinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan. Deeqdan waxay u furan tahay Aqoonyahannada Caalamka sida Professor-ada, Associate Professors, Assistant Professors, Post-Doctoral researchers, Doctoral Candidates, or candidates
Ujeedadu waa in cilmi-baarayaasha caalamka ay usoo safraan Taiwan si ay halkaas uga sameeyaan daraasado la xiriira arrimaha Taiwan, xiriirka Taiwan iyo Shiinaha (Cross-strait relations), gobolka Aasiya-Basifiga, iyo Sinology (Cilmiga Daraasadda Shiinaha).
Sanadkaan 2025, waxay deeqdan MOFA Taiwan Fellowship aqbashay in ka badan 1,500 aqoonyahano oo ka kala yimid 93 waddan oo dunida ah.
Faahfaahinta Barnaamijka MOFA Taiwan Fellowship 2026
- Waddanka: Taiwan
- Goobta: Jaamacadaha iyo Machadyada Cilmi-baarista ee Taiwan
- Muddada Deeqda: 3 ilaa 12 bilood
- Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 30-ka Juun 2025
Goobta Daraasadda
Cilmi-baaristu waxay ka dhacaysaa jaamacadaha iyo machadyada cilmi-baarista ee ku yaalla Taiwan.
Mawduucyada La Baarayo
- Taariikhda Taiwan
- Xiriirka Taiwan iyo Shiinaha
- Gobolka Aasiya-Basifiga
- Daraasadda Shiinaha (Sinology)
Faa’iidooyinka Maaliyadeed
- Tikidka Duulimaadka: Economy Class oo toos ah (gudaha iyo dibadda Taiwan)
- Mushaarka Bishii: Waxaa la bixiyaa horraanta bil kasta
- Professarro iyo Cilmi-baareyaal Sare: NT$60,000
- Kaaliye-Professarro iyo Ardayda PhD: NT$50,000
- Caymiska Shilalka: Waxa ku jira caymis caafimaad haddii dhaawac ka dhaco shil ahaan
Shuruudaha:
- Waddan kasta oo caalami ah ayaa codsan kara
- Waxaa loo oggol yahay:
- Professarro
- Kaaliye-Professarro
- Cilmi-baareyaal Sare iyo Kaaliye
- Arday PhD ah
- Cilmi-baaristu waa in si toos ah ula xiriirto Taiwan, Aasiya-Basifiga, Xiriirka Taiwan iyo Shiinaha, ama Cilmiga Shiinaha (Sinology).
Dukumiintiyada loo baahan yahay
- Foomka codsiga (online)
- Qorshaha cilmi-baarista (3 bog, si cilmiyeed loo diyaariyey)
- CV ama Taariikh Nololeed (oo ay ku jiraan buuggaagta iyo maqaalada la daabacay)
- Laba warqad oo Recommendations ah ama mid Recommendation ah iyo mid Consent form.
Sida loo Codsado MOFA Taiwan Fellowship 2026
- Buuxi foomka codsiga online.
- Ka dib markaad dhammayso foomka, daabac, kuna lifaaq dhammaan dukumentiyada la codsaday.
- U dir Safaaradda ama Xafiiska Wakaaladda Taiwan ee kuugu dhow (gaar ahaan halka aad ka deggen tahay).