German DAAD Helmut Schmidt Scholarship 2026 (Fully Funded)

Waxaa si rasmi ah loo furay codsiyada deeqda waxbarasho ee DAAD Helmut Schmidt Scholarship 2026, taas oo ah fursad dahabi ah oo fully-funded, laguna baranayo heerka Master-ka . Waa deeq ay maalgelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Jarmalka, looguna talagalay ardayda caalamka ah, gaar ahaan ardayda ka timid dalalka soo koraya sida Soomaaliya.

Barnaamijku wuxuu bilaaban doonaa Sebteembar 2026 wuxuuna ku baxayaa Af-Ingiriis. Ma jirto wax lacag ah oo laga rabo ardayda, waana fursad loogu tala galay inay ardayda ku bartaan Public policy, Good Governance, International Relations, Public Management, Public Administration, Civil Society, Social Protection, Peace and Conflict Studies, Development and Socioeconomic Policies.


Faahfaahin ku Saabsan Deeqda DAAD Helmut Schmidt

  • Dalka lagu baranayo: Jarmalka
  • Jaamacadaha: 7 jaamacadood oo si gaar ah loo xushay
  • Heerka: Master’s Degree
  • Maalgelinta: Mid buuxda (Fully-funded)
  • Wakhtiga kama dambaysta ah ee codsiyada: 31 Luulyo 2025

Maxay dabooleysaa Deeqda?

kharashka waxbarasho (tuition fee)
Tikid diyaaradeed TWO WAY + lacag safar
Guno bille ah si aad ugu noolaato dalka Jarmalka
Caymis caafimaad oo buuxa
Kharashka cilmi-baarista iyo waxbarashada
Qarashka kiro guri
✅ Guno loogu talagalay xaasaska iyo carruurta (haddii shaqsiyaad qoyska ku raacaan)
Koorso af Jarmal ah oo lix bilood ah (bilowga barashada)


Muddada Waxbarashada

  • 1 sano (Master hal sano ah)
  • 2 sano (Master laba sano ah)

Xarumaha iyo Koorsooyinka La Aqbalayo

Waxaad codsan karaa ugu badnaan laba jaamacadood, oo ka mid ah kuwa hoos ku qoran:

  1. University of Applied Sciences Bonn-Rhein-SiegSocial Protection
  2. University of Duisburg-EssenDevelopment and Governance
  3. Willy Brandt School of Public Policy (Erfurt)Public Policy
  4. University of MagdeburgPeace and Conflict Studies
  5. University of Applied Sciences OsnabrückManagement in Nonprofit Organisations
  6. University of PassauDevelopment Studies
  7. University of PassauGovernance and Public Policy

Shuruudaha Codsiga

  • Waa in aad ka timid dal horumaraya (Soomaaliya waa ku jirtaa liiska).
  • Waa in aad haysataa Bachelor oo aad ka heshay jaamacad la aqoonsan yahay.
  • Waa inaad leedahay Xirfad iyo waayo-aragnimo (Experience) la xiriirta: shaqo, tababar, ama hawl bulsheed aad soo qabatay. Waxaana lagaa doonayaa caddeyn (Reference letter).
  • Waxaad codsan kartaa ugu badnaan 2 Program Master ah.
  • Codsiga waa inuu ku qornaadaa Af-Ingiriis ama Af-Jarmal.
  • Da’du shardi ma aha – qof da’ kasta leh wuu codsan karaa.

Dukumiintiyada Loo Baahan Yahay

  1. Foomka codsiga DAAD
  2. Warqad dhiirrigelin (motivation letter)
  3. CV (Europass)
  4. Shahaadooyinka Jaamacadda & Transcript
  5. Warqad tixraac ah oo la qoray dhowaan (Reference letter)
  6. Caddeyn ku saabsan heerka Af-Ingiriisiga (Proof of learning English)
  7. Caddeyn waayo-aragnimo shaqo / tababar / shaqo bulsheed (Professional Recommendation letter)

Shuruudaha Xulashada

✔️ Arday leh karti sareysa (Akadeemi ahaan, Xirfad ahaan, mid shakhsiyadeedba)
✔️ Waayo-aragnimo la xiriirta barnaamijka aad codsaneyso
✔️ Natiijo heer sare ah oo Bachelor-ka (saddexda ugu sarreeya ee fasalka)


Jadwalka Codsiyada

  • Oktoobar/Noofembar 2025: Xulista horudhaca
  • Disembar 2025 – Janaayo 2026: Interview & go’aan qaadasho
  • Sebtembar/Oktoobar 2026: Bilowga deeqda iyo waxbarashada

Sida Loo Codsado?

  1. Dib u eeg si taxaddar leh shuruudaha DAAD ee checklist-ga
  2. Buuxi hal mar foomka codsiga DAAD, adiga oo ku caddeynaya 1 ama 2 barnaamij Master oo aad dooratay
  3. Qor hal warqad dhiirrigelin (motivation letter), adiga oo u kala hormarinaya labada barnaamij
  4. Dhammaan dukumiintiyada iyo foomamka u dir si toos ah jaamacadda (ama labada jaamacadood) aad codsanayso

Fiiro gaar ah: Codsiyada scholarship-ka waxaa si toos ah loogu diraa jaamacadaha, ma ahan DAAD.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Cart
Scroll to Top