Fully Funded DAAD EPOS Scholarship 2026/27 (Apply Now)

Waxaa hadda la furay codsiyada DAAD EPOS Scholarship 2026/2027, oo ah deeq waxbarasho si buuxda laguu maalgelinayo (fully-funded), oo aad wax kaga baraneyso jaamacadaha dowladda Jarmalka. Waa fursad qaali ah oo loogu talagalay heerarka kala duwan sida Master-ka, MPhil, MBA, LLM iyo PhD. Deeqdan waxaa bixinaya Hay’adda Jarmalka ee (DAAD).

DAAD EPOS waa mid ka mid ah deeqaha ugu caansan uguna tartanka badan caalamka (most competitive), waxaana sanad walba codsada kumannaan arday oo doonaya in ay xirfadoodda iyo aqoontooda sare u qaadaan.

Faahfaahinta Deeqda DAAD EPOS

  • Dalka martida loo yahay: Jarmalka
  • Heerka waxbarasho: Master, MPhil, MBA, LLM, PhD
  • Maalgelinta: Deeq buuxda (wax kastaa waa lagaa daboolayaa )
  • Muddada deeqdu soconayso: 12 ilaa 42 bilood
  • Wakhtiga kama dambaysta ah: Barnaamij walba wuxuu leeyahay waqti gooni ah

Faa’iidooyinka Maaliyadeed ee Deeqda

Deeqdu waxay bixinaysaa:

✅ Guno bille ah:

  • 992 Yuuro oo loogu talagalay ardayda Master-ka
  • 1300 Yuuro oo loogu talagalay kuwa PhD-ga

✅ Caymiska caafimaadka, shilalka iyo mas’uuliyadda shakhsiyeed
✅ Tikid diyaaradeed iyo kharashka safarka
✅ Kiro bille ah oo lagu taageerayo hoyga
✅ Guno bille ah oo loogu talagalay xubnaha qoyska ee soo raaca codsadaha


Jaamacadaha iyo Barnaamijyada la Aqbalayo (2026/27)

Koorsooyinka oo dhammaystiran (oo ay ku jiraan jaamacadda, link-ga, iyo taariikhda kama dambaysta ah) waxa lagu keydiyey PDF rasmi ah oo aad ka heli karo website-ka DAAD EPOS.


Shuruudaha Codsiga

✅ Waa in aad haysataa Bachelor (sida caadiga ah 4 sano ah) oo ku saabsan mawduuc la xiriira barnaamijka aad rabto.
✅ Waa in aad leedahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo xirfadeed ah (Reference letter)
✅ Waa in aad caddeyn kartaa dhiirrigelintaada dhabta ah (motivation letter) oo ay la xiriirto sababta aad ugu qalanto deeqda
✅ Waa in aad ka timaaddo dalalka loo ogolyahay deeqda (Soomaaliya waa ku jirtaa)
✅ Ugu yaraan IELTS 6 – balse jaamacadda aad dalbanayso ayaa si gaar ah u sheegaysa shuruudaha luuqadda. Jaamacadaha qaar waxay rabaan kaliya caddeyn inaad English wax ku soo baratay.


Dukumiintiyada loo Baahan Yahay

  1. Inaad dhameystirto Liiska (Checklist) oo aad saxiixdo
  2. Foomka rasmiga ah ee DAAD
  3. CV (Europass)
  4. Hal Warqad Dhiirrigelin (Motivation Letter)
  5. Shahaadooyinka Jaamacadda
  6. Transcript

🟡 Fiiro gaar ah: Uma baahnid in laguu oggolaado barnaamijka Master-ka ka hor intaadan codsan deeqda. Akhri FAQ-ga deeqda EPOS si aad u fahamto faahfaahin dheeraad ah.


Sida aad u codsado DAAD EPOS Scholarship 2026

📌Waa inaad si toos ah admission u dirsataa jaamacadda aad dooneyso.
📌 DAAD laftigeeda toos looma diro codsi.
📌 Soo booqo websaytka rasmiga ah, ka xulo waddankaaga (Soomaaliya), markaas ayaad heli doontaa dhammaan tilmaamaha iyo shuruudaha lagaa doonayo iyo xogta aad u baahan tahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Cart
Scroll to Top