Waxaa si rasmi ah loo furay codsiyada Deeqda Waxbarasho ee Caalamiga ah ee GCUB Brazil sannad-dugsiyeedka 2026. Waa fursad qaali ah oo si buuxda loo maalgelinayo ardayda (fully-funded), taas oo u furan dhammaan ardayda caalamka ee doonaya inay jaamacadaha dalka Brazil ka bartaan Master ama PhD (darajo sare).
Deeqdan waxaa bixinaya GCUB (Group of Brazilian Universities) oo ah mid ka mid ah barnaamijyada deeqaha ugu ballaaran Latin America. Waxaa la bixinayaa in ka badan 850 deeq waxbarasho, iyadoo aysan jirin wax lacag codsi ah, loona baahnayn warqad oggolaansho ah (acceptance letter), ama inaad la xiriirto macallin Brazilian ah.
Faahfaahinta Deeqda GCUB Brazil 2026
- Dalka martida loo yahay: Brazil
- Deeq bixiyaha: Isbahaysiga Jaamacadaha Brazil (GCUB)
- Tirada deeqaha: In ka badan 800
- Heerarka waxbarasho: Master iyo PhD
- Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 13ka Luulyo 2025
Faa’iidooyinka Maaliyadeed
Deeqdan waxay dabooleysaa adeegyo iyo taageero maaliyadeed oo dhammaystiran, waxaana ka mid ah:
✅ Lacagta Diiwaangelinta – Waa bilaash
✅ Kharashaadka waxbarashada (tuition fees) – Waa bilaash
✅ Guno bille ah oo nolol-maalmeedka lagu daboolo
✅ Gelitaanka maktabadaha, sheybaarrada, iyo adeegyada kale ee jaamacadeed
✅ Cunnada nolosha oo aad ka heleyso Jaamacadda
⚠️ Fiiro gaar ah: Deeqdu ma bixinayso kharashaadka tikidka diyaaradda, baasaboorka/fiisaha, ama caymiska caafimaadka. Kharashyadaas adigaa iska bixinaya.
Waa Maxay GCUB Mobility Program?
Barnaamijkan GCUB-Mob waa mid loogu talagalay ardayda caalamka. Waxaana lagu baranayaa Master ama PhD, waxaana bixinaya jaamacadaha hormuudka u ah Brazil. Barnaamijkan wuxuu xoojinayaa xiriirka tacliimeed ee Brazil la wadaagto dunida inteeda kale.
Muddada Waxbarashada Deeqda
- Master: 24 bilood (2 sano)
- PhD: 48 bilood (4 sano)
Shuruudaha u Qalmitaanka Deeqda
✅ Waxay u u furan tahay dhammaan jinsiyadaha aduunka (balse ma u furna muwaadiniinta Brazil)
✅ Codsigu wuxuu noqon karaa afafka: Ingiriis, Isbaanish, Faransiis ama Boortaqiis
✅ Waxaad codsan kartaa ilaa shan barnaamij oo Master/PhD ah jaamacado kala duwan
✅ Waa in aad soo buuxisaa dhammaan dukumiintiyada waxbarasho ee looga baahan yahay
Dukumiintiyada Loo Baahan Yahay
🗂️ Dukumiintiyada hoos ku xusan waa in si dhamaystiran u diraa marka codsiga gudbinaysid:
- passport ama ID
- CV (Europass)
- Shahaadada Bachelor (ama warqad caddeyneysa inaad dhammaysay Jaamacad)
- Shahaadada Master (haddii aad codsanayso PhD)
- Labo warqad (mid ku saabsan yoolalkaada tacliimeed/xirfadeed (motivation letter), midna mashruuca aad rabto inaad baarto (Program of study)
- Caddeyn muujineysa xiriir rasmi ah oo aad la leedahay jaamacad sare (haddii aad tahay macallin jaamacadeed)
Jadwalka Codsiga
- 13 Luulyo 2025: Wakhtiga kama dambaysta ah ee codsiga
- 21 Luulyo – 1 Agoosto 2025: Marxaladda 1aad – Hubinta dukumiintiyada
- 11 Agoosto – 6 Sebtembar 2025: Marxaladda 2aad – Qiimeynta jaamacadaha
- 13 – 17 Oktoobar 2025: Kala saarista codsadayaasha ugu sareeya
- 20 – 24 Oktoobar 2025: Oggolaanshaha rasmiga ah ee jaamacadaha
- 31 Oktoobar 2025: Ku dhawaaqista natiijada ugu dambeysa
Sida Loo Codsado
Codsiga waxaa lagu gudbiyaa bogga rasmiga ah ee GCUB. Ka xulo waddankaaga markaad gasho si aad u aragto tilmaamaha iyo shuruudaha khaaska ah ee lagaa rabo.