Kingdom of Saudi Arabia “Study in Saudi” Scholarships

Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday barnaamijka deeq-waxbarasho ee caalamiga ah ee loogu magac daray Study in Saudi Scholarships 2025/26. Barnaamijkan wuxuu fursad dahabi ah u yahay ardayda caalamka oo aan u dhalan Boqortooyada Sacuudiga (KSA), si ay u codsadaan deeq-waxbarasho oo heer jaamacadeed ah sida (Bachelor), Master, iyo PhD, iyadoo loo sii marayo madasha rasmiga ah ee “Study in Saudi Arabia Platform” oo ay gacanta ku hayso Dowladda Sacuudiga.

Faahfaahinta Deeqda Waxbarasho ee “Study in Saudi” 2025/26

  • Dalka lagu waxbaranayo: Boqortooyada Sacuudi Carabiya
  • Heerarka waxbarasho:
    • Bachelor
    • Master
    • PhD
  • Goobaha waxbarasho: Jaamacadaha dowladda Boqortooyada Sacuudiga
  • Wakhtiyada kama dambaysta ah ee codsiga:
    • Bachelor: 14 Juun 2025
    • Master & PhD: 31 Oktoobar 2025

Faa’iidooyinka Maaliyadeed ee Deeqda

Deeqdan waxay dabooleysaa dhammaan waxyaabaha muhiimka ee kuu fududeeynaya gaarista hadafkaaga waxbarashada:

  • Tigid sanadle ah oo diyaaradeed
  • Kharashaadka waxbarashada oo buuxa
  • Daryeel caafimaad
  • Guno lacag caddaan ah markaad timaadid
  • Hoy la’isku halleyn karo
  • Ka faa’iidaysiga adeegyada iyo qalabka jaamacadaha Sacuudiga

Heerarka Waxbarasho ee La Heli Karo

Barnaamijkan wuxuu daboolayaa:

  • Barnaamijyo waxbarasho ee ka hooseeya diploma
  • Diploma
  • Bachelor
  • Master
  • PhD
  • Cilmi-baadhis sare (Post-Doctoral Research)

Jaamacadaha aad ka heli karto Deeqdan

Waa liis dheer oo ay ka buuxaan magacyada jaamacado badan oo aad si toos ah uga qeyb qaadan karto:

  • Jaamacadda Islaamiga ee Madina
  • Umm Al-Qura University
  • Imam Abdulrahman bin Faisal University
  • Imam Muhammad ibn Saud Islamic University
  • Prince Sattam bin Abdulaziz University
  • Princess Nourah bint Abdulrahman University
  • Jaamacadda Al Baha
  • Al-Jouf University
  • Northern Border University
  • Taif University
  • Qassim University
  • Majmaah University
  • King Khalid University
  • King Saud University
  • King Abdulaziz University
  • King Faisal University
  • University of Bisha
  • University of Tabuk
  • Jazan University
  • Jeddah University
  • University of Hail
  • University of Hafar Al-Batin
  • Shaqra University
  • Taibah University
  • Najran University

Shuruudaha Laga Rabo Codsadaha

Shuruudaha cidda soo xulanayo:

  • Muwaadin ka yimid dal aan Sacuudi ahayn
  • Da’da ugu yar waa 16 sano
  • Baasaboor sax ah oo ugu yaraan lix (6) bilood ka harsan tahay muddada dhicitaanka
  • Caddayn inuu haysato taageero dhaqaale ama damiin rasmi ah
  • Haddii qofka uu ka yar yahay 18 sano, waa inuu keenaa ogolaansho qoraal ah oo ka yimaada waalid/ilaaliye
  • Warbixin caafimaad oo muujinaysa inuusan qabin cudur faafa
  • Dukumiinti muujinaya inuu haysto caymis caafimaad

Sida Loo Codsado

  1. Uma baahnid inaad si gaar ah ugu codsato jaamacad kasta.
  2. Waxaad si toos ah ugu gudbin kartaa codsigaaga madasha “Study in Saudi” adigoo dooranaya jaamacadda aad rabto.
  3. Ma jirto wax lacag ah oo codsiga lagaa doonayo.

Hadal iyo dhammaan, haddii aad rabto in aad hesho fursad waxbarasho oo caalami ah waa inaad maanta gashaa safka codsadayaasha deeqda waxbarasho ee Sacuudi Carabiya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Cart
Scroll to Top