Ma daneyneysaa inaad tacliin sare ku soo barato dal dibadda ah, waxaa kuu diyaar ah McCall MacBain Scholarship 2026 oo ay bixineyso Jaamacadda McGill ee dalka Canada, waxaana xilligaan furan Codsiyada. Waa deeq waxbarasho oo buuxda; deeqdaan waxay daboolaysa kharash walba, laga bilaabo duulimaadyada illaa dhammaan kharashaadka waxbarasho iyo nolosha.
Deeqdani waxay furan tahay dhammaan ardayda caalamka. Waxaana la bixin doonaa ilaa 130 deeq buuxda.
Waa maxay McCall MacBain Scholarship?
Deeqdani waxaa si gaar ah u bixinaya Jaamacadda McGill oo ku taalla Montreal, Canada—waa jaamacad public oo caan ah. Waxaana loogu talagalay ardayda doonaysa:
- Darajada Master-ka
- Barnaamijyada xirfadaha sare ee jaamacadaha (second-entry undergraduate professional degrees)
Waa maxay waxay ku daboolaysaa deeqdani?
- Waxay daboolaysaa kharashka waxbarasho oo buuxa
- Waxaad heli doontaa $2,000 bishii oo nolol-isku-filnaansho ah
- Tikid diyaaradeed oo kuu qaadaya kuna soo celinaya Canada
- Abaalmarino kale oo lacageed oo u dhaxaysa $5,000 ilaa $20,000
Jaamacadda aad wax ku Baranaysid:
➡️ McGill University – Montreal, Canada
Barnaamijyada aad codsan karto
Master Degrees:
- MA, MArch, MBA, MEd, MEng, MISt, MM, MMus, MPP, MSc, MScA, MSW, MUP, LLM, STM, iwm.
Second-Entry Professional Degrees:
- BCL/JD (Sharciga)
- DMD (Ilkaha)
- MDCM (Daawada guud)
Shuruudaha Codsiga (Eligibility Criteria)
Mid ka mid ah shuruudahan haddii aad buuxiso, waad codsan kartaa:
- Waad codsan kartaa haddii aad xilligaan tahay arday Bachelor ah oo aad qalinjebineysid ka hor August, 2026.
- Haddii aad ka qalin-jabisay Bachelor sanadkii 2020 ama wakhtigii ka dambeeyay
- Haddii aad ka qalin-jabisay bachelor ka hor 2020, laakin aad tahay 30 sano ama ka yar sanadka 2025
Intaas waxaa dheer, waa inaad buuxisaa shuruudaha admission ee Jaamacadda McGill iyo heerka luuqadda Ingiriiska.
Heerka Luuqadda Ingiriiska
TOEFL iBT: ugu yaraan 86 (mid walba 20 ugu yaraan)
IELTS: 6.5 ama ka badan
Looma baahno shuruudaha Luuqadda haddii:
- Luuqaddaada hooyo ay tahay Ingiriis
- aad ka qalin-jabisay Canada ama USA
- aad ku nooleyd waddan Ingiriis ah oo aad wax ka baratay 4 sano oo isku xigta
- aad wax ku baratay jaamacad luuqaddeedu tahay Ingiriis
Jadwalka Codsiga furan yihiin (Application Timeline)
- Juun – Sebteembar 2025: Codso deeqda McCall MacBain
- Oktoobar – Diseembar 2025: Codso admission-ka Jaamacadda McGill
- Diseembar 2025: Wajiga Interview-ga
Haddii aad dooneysid deeqdan ka xareyso Link-ga hoose
👉 Booqo bogga rasmiga ah ee McCall MacBain Scholarship si aad u codsato deeqda