Muuqaalkaan waxaan uga hadlayaa fursad deeq waxbarasho oo (Fully Funded) ah aad ku heli karto buuxda dalka Taliyaaniga iyo sida loo xareeyo Admissions-ka Jaamacadda gaar ahaan Jaamacadda Pisa (University of Pisa), oo ka mid ah Jaamacadaha bixiya deeqaha waxbarasho.
Muuqaalkan aan diyaariyay wuxuu faahfaahinaya:
✅ Shuruudaha guud ee codsiga
✅ Sidee loo buuxiyaa foomka codsiga
✅ Talooyin muhiim ah oo kor u qaadaya fursadda guushaada
✅ Waqtiyada muhiimka ah iyo sida loo raaco jadwalka codsiga
✅ Sida loo diyaariyo dukumentiyada lagama maarmaanka ah
✅ Fursadaha deeqaha ay jaamacaddu bixiso – oo ay ku jiraan guryo, lacag cunto, iyo kharashaadka waxbarashada oo gebi ahaanba laga dhaafo
🎥 Ka Daawo Muuqaalka Halkan:
Fadlan ha seegin fursaddan qaaliga ah!
Si aad u bilowdo codsigaaga, waxaad si toos ah ugu booqan kartaa bogga rasmiga ah ee codsiga:
👉 Apply Now: https://applymscenglish.unipi.it/en/studenti
Gunaanad:
Jaamacadda Pisa waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn uguna sumcadda badan qaaradda Yurub. Fursaddan deeqda waxbarasho ee buuxda waa mid aan la iska dayaci karin, gaar ahaan ardayda ka timid dalalka horumaraya oo ay Soomaaliya ku jirto. Haddii aad hiigsanayso mustaqbal ifaya, tani waa fursaddaada!
Wixii discussions iyo su’aalo weydiin; halkaan ayaad igula wadaagi kartaa:
Barta Telegram-ka:
La wadaag asxaabtaada, qaraabadaada, iyo cid kasta oo ay fursaddani khuseyso.
#ItalyScholarship #PisaUniversity #FullyFunded #Waxbarasho #DalxiisWaxbarasho #StudyInEurope #SomaliStudentsAbroad