Jaamacadda Padua ee dalka Talyaaniga waxay bixinaysaa 62 deeq waxbarasho oo loogu talagalay ardayda caalamka ee leh karti sareeya kuwaas oo doonaya inay ka qeyb qaataan barnaamijyada waxbarasho ee ku baxa Afka Ingiriiska (A.Y. 2025/2026). Deeqdan waa mid heerkeedu sareeyo, waxaana helaya keliya ardayda muujisa dadaal waxbarasho haysatana dhibco sareeya. Ardayda la siiyo deeqda waxbarasho waxaa laga filayaa inay noqdaan safiiro sharafeed oo ku matala Jaamacadda xilliyada munaasabadaha iyo shirarka.
Faahfaahinta Deeqda:
- Faa’idooyinka deeqda: Ka dhaafista ardayda dhammaan khidmadaha waxbarasho + €8,000 oo la siinayo sanadkii.
- Kharashka keliya ee ardaygu bixinayo: khidmad diiwaangelin (oo ay ku jirto canshuurta gobolka iyo marca da bollo).
Mudada Deeqda:
- 2 sano oo xiriir ah: Haddii aad dhigato Master’s Degree.
- 3 sano oo xiriir ah: Haddii aad dhigato Bachelor’s.
Marka waqtiga rasmiga ah ee deeqda waxbarasho dhammaato, ardayga isaga ayaa iska mas’uul ah dhammaan kharashyada waxbarasho iyo nolosha heerka qalinjebinta, kaliya deeqda waxbarasho uu helayo waa + €8,000.
Yaa u qalma?
Waxaa codsiyada ka faa’ideysan kara ardayda leh karti sareeysa kana socda dhammaan caalamka, kuwaas oo doonaya inay dhigtaan Koorsooyinka Bachelor’s ama Master’s ee ku baxa af-Ingiriisiga laguna dhigo Jaamacadda Padua.
Shuruudaha laga doonayo codsadaha:
- Waa inuusan aheyn wadani Talyaani ah.
- Inaad haysato shahaado dugsi sare oo aan Talyaani ahayn (haddii aad codsanayso Bachelor’s) ama Bachelor’s degree aan Talyaani ahayn (haddii aad codsanayso Master’s).
- Inaadan ku noolayn gudaha Talyaaniga.
- Inaad codsatay hal ilaa saddex koorsooyin waxbarasho admission oo Af-Ingiriisi ku baxa laguna dhigayo ee Jaamacadda Padua.
Fiiro gaar ah: Looma baahna codsi gaar ah oo kale oo deeqda ah. Haddii aad buuxiso shuruudaha sare, waxaa si toos ah laguugu darayaa tartanka xulashada deeqda.
Habka Xulashada:
Guddiga tacliinta ee barnaamijka deeqda ayaa soo saaraya liiska ardayda u qalma deeqda, waxayna fursadda siinayaan ardayda leh:
- Karti waxbarasho ee la isku halayn karo,
- Tayo iyo natiijooyin ama dhibco hore ee waxbarasho oo sareeya.
Goorta natiijada la shaacinayo:
Natiijooyinka waxaa lagu daabici doonaa mareegta:
👉 www.unipd.it/en/assessement-results
Waxaana la raacayaa jadwalka ku qoran wicitaanka rasmiga ah (Call for applications).
Xasuusin: Waa inaad:
- haysanin deeq kale oo waxbarasho oo isla jaamacadda ah,
- Buuxisaa shuruudaha isdiiwaangelinta Jaamacadda Padua.
Lacagta qaybeedda koowaad ee deeqda waxaa lagu siinayaa markaad timaado magaalada Padua.
Habka Lacag-bixinta & Shuruudaha:
- Sanad walba waxaad heli doontaa laba qaybood oo €4,000 ah.
- Waxaa lagu siinayaa haddii aad buuxiso shuruudaha waxbarasho ee lagu xusay wicitaanka rasmiga ah (Call for applications).
Go’aanka dib-kaga noqoshada deeqda:
Jaamacadda Padua waxay ka noqon doontaa deeqda haddii:
- Aadan helin ugu yaraan 20 ECTS marka la gaaro 30-ka Nofeembar ee sanad-dugsiyeedka xiga.
- Haddii aad go’aansato inaad uga wareegto Jaamacadda ama aad ka tagto waxbarashada.
Haddii arrimahaas dhacaan, waxaa lagu waajibin doonaa in aad dib u celiso dhammaan lacagta deeqda ee lagu siiyey.
Faahfaahin dheeraad ah:
Waxaad akhrisan kartaa warbixinta rasmiga ah ee codsiga (Call for Applications) ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026 si aad u hesho faahfaahin buuxda iyo link-yada kulliyadaha kulliyada aad ka xareyn karto ka degso link-ga hoose.